Waxaa arin lala yaabo noqotay in Hey’adda Qaramada Midoobay ee Cuntada iyo Beeraha FAO ee fadhigeedu yahay Roma in ay Billad Sharafeed guddoonsiisay RW Ethiopia Aby Ahmed.
Si uu qoray Nigrizia dad badan oo Arimaha Afrika ka faalooda waxa ay arinkaa ku tilmaameen mid laga yaxyaxo oo aanu Aby u qalmin xilligan Billad Sharafeedka Beeraha ee ay bixiso FAO sababtoo ah waxa ka jira dalkiisa Xasilooni darro aad u liidata , colaad, qeybsanaan iyo in macluul qarka u saaran yihiin 4 Milyan oo Itoobiyaan ah.
Sida uu dhawaan sheegay Getachew Reda, madaxa ku-meel-gaarka ah ee maamulka gobolka Tigreega, oo ku sugan waqooyiga dalkaas , waxa laga dhaxlay dagaalkii gobolkooda ka dhacay 2022 iyo abaartii xigtay in 91% muwaadiniinta gobolka Tigray ay galeen halis macaluul.
Waxaa lagu qiyaasaa in waqtigan Itoobiya in ka badan 20 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bini’aadantinimo, halka tan iyo bishii Sebtembar ee la soo dhaafay kaliya gobolka Tigrayga ay ku dhinteen in ka badan 800 oo ruux macaluul iyo gaajo, gaar ahaan carruur iyo haween.
Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu
Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA
Kulan ay maanta iskugu yimaadeen Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku doorteen Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha