Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sameeyey talaabo adag oo qar iska tuurnimo ah, kadib markii uu Somaliland u soo magacaabay safiir u gaar ah, taasi oo sii hurineysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Qoraalkaan waxaa lagu soo lifaaqay sawirrada Muuse Biixi oo warqadaha ka guddoomaya sarkaalkaan uu soo magacaabay Abiy Axmed oo ku dhici waayey inuu aqoonsi siiyo Somalialnd, balse ku sasabay safiir aan sharci aheyn.
Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xafiiska Muuse Biixi:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.
Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyeysalaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.