Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho, iyadoo xoguhu sheegayaan in maalinta berri ah uu soo gaari doono caasimadda dalka, oo haatan ay ka socoto qaban-qaabo la xiriirta soo dhaweyntiisa.
Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray wafdi hordhac ah oo ka socda Addis Ababa. Abiy marka uu yimaado, wuxuu kulammo la yeelan doonaa madaxda sare ee dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii ambaqaadi doona wada-hadalladooda la xiriira heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda. Waxaa haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareysa dowladda federaalka Soomaaliya.
Imaanshaha ra’iisul wasaaraha Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystirayo heshiiskii Ankara.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka