Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, ayaa saakay kulan gaar ah oo looga hadlay arrimo kala duwan waxa uu la qaatay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Kulankan dhax maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayeysan jirin wax war ah oo ay kasoo saartay Madaxtooyada Soomalaiya, waxaana kulankan xaqiijiyay faah faahina ka bixiyay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.
Abiy Axmed , ayaa qoraal uu soo dhigay barihiisa bulshada ku sheegay in uu saakay kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxa uuna xusay Abiy in uu kala hadlay Madaxweynaha danaha gobolka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo xasilloonidda.
“Sidoo kale waxaan saaka la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka wada hadalnay danaha guud ee gobolka. Waxaan mar kale xaqiijinnay sida ay nooga go’an tahay kobcinta xasilloonida, amniga, iyo horumarka gobolka oo dhan.”ayuu yiri Abiy Axmed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u tagay dalka Itoobiya ka qeyb galka xarig jarka biyo mareenka ay dhisatay dowladda Itoobiya, taa oo ay si weyn uga soo horjeedo dowladda Masar oo xiriir weyn xilligan kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.