Raisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay in dad badan ay u maleeyaan in arrinta doonista marin ay ka helaan badda-cas ay tahay mid hadda soo baxday, laakiin ay tahay arrin muddo dheer taagnayd oo jiilal hore marar kala duwan ka hadleen .
Abiy Axmed oo laga waraystay buugga uu qorey ee Government of Unity ayaa sheegay in su’aasha ugu badan ee la waydiiyaa ay tahay arrinta Badda-cas, ayna tahay mid muujinaysa sida ay muhiim u tahay xiriirka Itoobiya la leedahay dalalka dariskeeda
Itoobiya ayaa ku doodaysa inay waajib tahay inay hesho marin ay badda ka gasho, maadaama dadkeedu ay aad u kordhayaan.
Waxaana hadal haynta arrintan badda-cas ay dibada usoo baxday kadib markii bilowigii sanadkii 2024 ay Somaliland iyo Itoobiya wadagaleen heshiis isfaham oo la xiriira in Somaliland ay Itoobiya ka kireyso 20 Km oo kamid ah xeebaheeda, taas badalkeedana Itoobiya aqoonsato Somaliland.