Home Wararka Maanta Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo...

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

0

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob la’aanta ee Gu’ga 2025.

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday OCHA, dadkaasi waxay la ildaran yihiin biyo yari baahsan iyo cunto la’aan halis ah, taasoo si toos ah u saameysay noloshooda maalinlaha ah.

Roob la’aanta ayaa sababay in ceelashii biyo laga cabi jiray ay guraan sidoo kale beero badan oo miro dhal ah ayaa qalalay. Nabaad guurkii ka dhashay ayaa si daran u saameeyay dadka iyo xoolahooda, iyadoo magaalooyin iyo tuulooyin badan laga soo sheegay xaalado abaareed oo sii xumaanaya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in barakaca ka dhashay duruufahaan uu gaaray heer aad u sareeya. Qoysas badan ayaa guryahooda ka cararay, iyagoo raadinaya meel biyo iyo cunto laga heli karo. Waxaa la diiwaan geliyay barakac ballaaran, oo ay ku jiraan xoolo-dhaqato badan oo dhaqaalahoodii ku waayay abaarta.

Intaa waxaa dheer, colaadaha beelaha iyo howlgaladii ciidan ee ka dhacay qaybo ka mid ah Puntland ayaa la sheegay inay sii xumeeyeen xaaladda. In ka badan 70,000 oo qof ayaa la diiwaan galiyay inay ku barakaceen dagaaladaas, waxaana ku jira 10,000 oo qof oo ka soo barakacay degmada Qandala ee gobolka Bari.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa wadda qiimeyn degdeg ah si loo ogaado baahiyaha dadka ay saameeyeen abaarta, barakaca, iyo amni darrida. Qiimeyntan ayaa noqon doonta saldhigga loogu talagalay qorsheyaasha gargaarka ee la qorsheynayo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleDoonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah
Next articleWasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada