Xaalad xun oo isku badashay aana qabiil ayaa ka Bilaabatay Gobalka Sh/dhaxe, kana dhalatay isbaara qaadis dhawaan la sameeyay.
Dhawaan Gobalka Sh/dhaxe gaar ahaan dhanka Xeebta ah waxaa Laga sameeyay sida la Sheegay isbaara qaadis ay Hor kacayaan Gudoomiyaha Gobalka iyo Taliyaha Guutada 4aad ee Qeybta 27-aad.
isbaara qaadistii ayaa la sheegay in wiil lagu dilay, Balse taas ayaa sababtay in Deegaan lagu Magacaabo Garasweyne oo sh/dhaxe ka Tirsan in koox ku beel ah wiilkii isbaara qaadistii Lagu dilay in Weerar ay ku qaadaan Kuna dileen 3 ruux 2 kalana uu dhaawac soo gaaro.
Dhacdadaas waxay abuurtay Xaalad kale waxaana la sheegayaa in Galabta Degmada Cadalle Lagu dhaawacay nin ganacsada ah, waxaana Gobalka Sh/dhaxe ka Bilaabatay aana qabiil oo u dhaxaysa Beelaha Cabdalla Caroone iyo Aw-bakar gaabane.
lama oga sida loo xalin doono arintaan ka soo cusboonaatay Gobalka dhaxe oo abuuraysa xaalad Cabsi ah oo soo kala dhaxgasho dad reer Mii ah