Dowladda Uganda ayaa ciidankeeda AMISOM ee ku sugan Soomaaliya u dirtay fariin ku saabsan in ay ka digtoonaadaan weeraro argigixiso oo ay qorsheynayaan Al-Shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Uganda, Lt Gen Peter Elwelu ayaa ka codsaday askarta Uganda ee Soomaaliya ku sugan inay feejignaan dheeri ah muujiyaan inta lagu guda jiro maalmaha ciida Kirismaska oo dhamaadka bishaan ku beegan.
General Peter ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaab ay qorsheynayaan weeraro isdaba joog ah oo ay ku dhibaateynayaan ciidamada AMISOM, taasi uu sheegay in loo baahan yahay in askarta AMISOM ay ka fogaadaan mar walba.
Lt Gen Elwelu ayaa hadalkan jeediyay mar uu la hadlayay in ka badan 2,500 oo askari oo ka qeyb galay xiritaanka tababarkii 13-aad ee ka-hortagga howlgallada argigixisada.
Wuxuu kaloo ka codsaday askarta Uganda inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada kale ee amniga Soomaaliya, ayna wadaagaan xogta si cadowga looga hor tago.
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay