Galmudug iyo MSF ayaa heshiis iskaashi kuwada saxiixday Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane Dr. Cabdiweli Cabdullahi jaamac oo ka socday dhanka Galmudug iyo Madax ka socotay MSF oo uu hugaaminayey Gautam Chatterjee oo ah uqeybsanaha MSF ee Soomaaliya ayaa kulan saacado badan qaatey ku yeeshay Xarunta dhexe ee MSF Nairobi.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ayaa Hey’adda MSF uga mahad celiyay, garab istaaga iyo adeega Caafimaad ee ay lagarab-taaganyihiin Dadka reer Galmudug, gaar ahaan Bulshada kunool Mudug.
Heshiiskan cusub ayaa hey’adda MSF u ogolaanaya sii wadida adeegyada Caafimaad ee ay ka wado Isbitaalka Galkacyo, in adeeg Caafimaad oo cusub ka bilaabaan xeryaha baracayaasha ee Galkacyo iyo in Galmudug ay ufurantahay inay keeni karaan adeeg walba oo ay kucaawinayaan Dadka reer Galmudug.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa MSF ku booriyey sare uqaadida adeegyada Caafimaad ee ka socda Galkacyo, kana qayb qaataan dadaalada latacaalidda cudurka COVID-19, sidoo kale Wasiirka ayaa MSF ka dalbadey in ay si buuxda uga qayb qaadato kulamada looga tashanayo Caafimaadka Galmudug.
Ugu danbeyntii Waxaa heshiiska iskaashiga si rasmi ah u kala saxiixday, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mudane.Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac iyo u qeybsanaha MSF ee Soomaaliya Mr.Gautam Chatterjee.
Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullahi Jaamac ayaa inta uu joogo Nairobi kulamo kala duwan layeelan doona deeq bixiye yaasha daneeya caafimaadka iyo hey’addaha kale ee caalamiga ah.




Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib
Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin
Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o
Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar
Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish
Ciidamada Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo
Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish
Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag
Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad