Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in xilligan shir uga socdo Guriga uu Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ka degan yahay Madaxtooyada Taliyeyaal ka tirsan ciidanka, sida Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, Booliska Gobolka Banaadir iyo Kusimaha NISA ee uu magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo saraakiil kale.
Lama oga qorshaha ka dambeeya kulankan, iyadoo weli muuqato in Fahad Yaasiin weli saameyn ku leeyahay dhanka Taliyeyaasha, waxaana uu kulankan uu ku soo aaday, iyadoo maanta dhaceen kulamo dhowr ah oo ku saabsan waan waanta laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaasoo dhex maray Guddiyadii howsha dhex dhexaadinta waday ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.
Sidoo kale warar Hoose oo Mudug24Â ay heshay Ayaa sheegaya inCiidamadaan ay ka shirayaan Banaanbax uu Maanta fasaxay Wasiirka Amniga Soomaaliya Cabdullahi Maxamed Nuur