Home Wararka Maanta Maxaa ku Soo Kordhay wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble ?

Maxaa ku Soo Kordhay wadahadaladii Farmaajo iyo Rooble ?

0

Dadaalada waan waanta ee laga dhex wado Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble oo soo bilowday maanta ayaa caawa waji cusub galay, iyadoo dadaaladaas ay hoggaaminayaan Madaxweyne Qoorqoor iyo Guddoomiye Mursal.

Madaxweyne Qoorqoor oo ay wehliyaan Wasiirka Waxbarashada C/llaahi Carab iyo Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Al Cadaala ayaa goordhow u tagay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo la sheegayo in qodobada waan waanta ee ay isla soo gaareen ula tageen, sidoo kalena kulankaas uu hordhac u yahay in la isku keeno Farmaajo iyo Rooble.

Ilo ku dhow Wasiirada qeybta ka ah waan waanta ayaa i sheegay in meel wanaagsan wax marayaan, kulamadoodi maanta ay horumar ka sameeyeen oo ay soo gaarsiiyeen heer labada dhinac isku soo dhowaadeen.

Kulamadii maanta dhacay ayaa laga helay warar sheegaya in shuruudo ay jiraan sida doodda dhaheysa in Wasiirka Amniga C/llaahi Maxamed Nuur loo wareejiyo Arrimaha Gudaha, waana dood xoog leh oo dhanla Farmaajo ka socoto iyo in Bashiir Goobe la geeyo mee kale oo aan aheyd Taliska NISA oo uu Farmaajo keensado qof uu u soo magacaabo.

Ad
Previous articleShir Looga hadlayay Bixitaanka Ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka furmay
Next articleShir Deg Deg oo u soconaya Fahad Yaasiin iyo Taliyaasha Ciidamada