Home Wararka Maanta Sheikh Shariif oo si kulul uga Hadlay Kiiska ikraan Tahliil Faarax iyo...

Sheikh Shariif oo si kulul uga Hadlay Kiiska ikraan Tahliil Faarax iyo Khilaafka Rooble iyo Farmaajo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil ee sababay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xaaladda siyaasadeed ee xilligaan dalka.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa marka hore u tacsiyadeeyay Qoyska Ikraan Tahiil, waxaana uu sheegay in arrinta ku dhacday ay tahay mas’uuliyad darro weyn oo dalka ka dhacday.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in saraakiisha Hay’adaha amniga ay helaan amni buuxa, waxaana uu dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadka lagu tuhmayo inay ka dambeeyaan dilka Ikraan Tahiil, isaga oo u mahad celiyay Shacabka Soomaaliyeed oo garab istaag u muujiyay Qoyska Ikraan Tahliil.

Sheekh Shariif oo sii hadlayay ayaa sheegay in kiska Ikraan Tahliil uu ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Madaxeynaha & Ra’iisul Wasaaraha, sidoo kalena ay sababtay wadashaqeyn la’aan ka dhaxeyso Hay’adaha Amniga, waxaana Sheekh Sheekh uu si cad u sheegay in aan la aqbali karin in qofwalba sharciga dalka sida uu rabo ka yeesho

” Khilaafka ka dhashay kiiska Ikraan oo keenay in hay’adaha amniga wadashaqeyneyn  waayaan waa wax aad looga xumaado, waayo waxaa meesha ka baxeeysa dowladnimada mudada la soo waday, mana aqbaleyno in qof walba wixii uu doono in uu iska sameeyo ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Ugu dambeyn Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowladda uu niyad jebinaayo Shacabka Soomaaliyeed iyo dowladaha taageera, sidoo kalena uu caqabad ku yahay qabsoomida doorashada, waxaana Madaxda Sare uu ugu baaqay in khilaafkooda ay si nabad ah ku xaliyaan, isla markaana dhankooda ay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleFarmaajo oo diiday Xil ka qaadistii Wasiir Xundubey
Next articleAgaasimaha Hey’adda Maaraynta Miino-baarista iyo walxaha qarxa ee Galmudug oo Maanta xilkii la Wareegay (Sawiro)