Home Wararka Maanta Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee wada-tashiga oo dib u dhacay

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo ee wada-tashiga oo dib u dhacay

0

Dhawaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa uu ku baaqay shir looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo uu sheegay in lagu qabanayo magaalada Garowe, hayeeshee shirkaasi uu dib u dhacay.

Maanta oo ku beegan 15-ka Bisha Febaraayo ayuu qorshuhu ahaa in shirkaasi uu ka furmo Magaalada Garoowe, balse uu u baaqday sababo la xiriira in puntland ay sheegtay in aan lagala tashan ayna dooneyso in Muqdisho lagu qabto, waxaana ku raacay Maamulka Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharixiinta.

Siihayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble waxaa uu shalay wareegto ku Magacaabay guddi farsamo oo ka kooban 14 Xubnood, kuwaas oo ka kala socda DFS, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kuwaas oo Maalinta berito ah shir ku yeelanaya Magaalada Baydhabo.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha Guddiga ayaa shirkooda waxaa ay uga hadlayaan sida uu u dhici lahaa shirka madasha wadatashiga Madaxda dowladda, ajandayaasha looga hadlayo iyo goobta rasmiga ah oo lagu qabanayo, in kastoo weli dowladda Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in lagu qabanayo Magaalada Garoowe.

Maalmo ka hor qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay in aysan aaminsaneyn in su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanayo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedkan muhiimka ah.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Turkiga oo Xabsiga dhigtay ku dhawaad 39 Qof oo la tuhunsanyahay
Next articleMaxkamadda ICJ oo go’an kasoo saartay Codsiga Dowlada Kenya ee dib u dhigista Dacwada