Home Wararka Maanta Dowladda Guinea-Bissau oo War kasoo saartay warar sheegaya inay aqoonsanayso Somaliland

Dowladda Guinea-Bissau oo War kasoo saartay warar sheegaya inay aqoonsanayso Somaliland

0

Dowladda Guinea-Bissau ayaa si rasmi ah u beenisay warar lagu faafiyay baraha bulshada iyo madalaha kale ee dijitaalka ah oo sheegayay inay isu diyaarinayso aqoonsiga Somaliland.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ay 26-kii July 2026 soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Jaaliyadaha ee Guinea-Bissau ayaa lagu sheegay in wararkaasi yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aanay jirin wax go’aan ah ama hannaan rasmi ah oo dalku ku wado aqoonsiga Somaliland.

Wasaaraddu waxay xustay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Guinea-Bissau lagu hago si waafaqsan shuruucda caalamiga ah, Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika iyo mabaadi’da ilaalinta madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu caddeeyay in go’aan kasta oo rasmi ah oo ku saabsan siyaasadda arrimaha dibadda lagu shaacin doono oo keliya kanaallada rasmiga ah ee dowladda, iyadoo shacabka looga digay inay rumaystaan wararka aan ka soo bixin hay’adaha dowladda.

Wararka ay dowladda Guinea-Bissau beenisay ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa baahiyay warbaahino kala duwan iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in dalkaasi uu ku jiro diyaar-garow lagu aqoonsanayo Somaliland. Si kastaba ha ahaatee, dowladda Guinea-Bissau ayaa war-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in sheegashooyinkaasi ay yihiin kuwo aan wax sal ah lahayn, isla markaana aanay jirin wax qorshe ama geeddi-socod rasmi ah oo arrintaas la xidhiidha.

Ad