Stockholm
– Dad badan oo raadinayay guryo magaalada Stockholm ayaa waayay fursado ay ku heli lahaayeen guryo, kaddib markii farriimahoodii email-ka ay si khaldan ugu dhaceen galka Spam ee shirkadda Bostadsförmedlingen (Hay’adda Dhexe ee Guriyeynta Stockholm).
Sida uu sheegay wargeyska Hem & Hyra, muddo saddex bilood ah ayaa ilaa 150 email si qalad ah loogu calaamadeeyay inay yihiin fariimo aan la rabin (Spam). Taasi waxay sababtay in qaar ka mid ah codsadayaasha loo diiwaangeliyo inay ka baxeen codsiyadoodii, inkastoo ay waqtigii loogu talagalay soo gudbiyeen jawaabaha ama dukumentiyada loo baahnaa.
Maamulaha guud ee Bostadsförmedlingen, Jakob Krookstedt, ayaa sheegay in hay’addu arrintan u aragto mid culus, isagoo xusay inay ka shaqeynayaan sidii loo yareyn lahaa ku tiirsanaanta isgaarsiinta email-ka.
Mid ka mid ah dadka ay dhibaatadu saameysay waa Lovisa Ternby, oo heshay dalab guri oo ku yaalla degmada Enskede ee koonfurta Stockholm. Waxay sheegtay inay isla maalintii dirtay email ay ku aqbalayso guriga.
Si kastaba ha ahaatee, maalmo kaddib ayaa Bostadsförmedlingen u sheegtay inaysan helin jawaabteeda, waxaana loo diiwaangeliyay inay ka tanaasushay codsiga, inkastoo ay haysatay caddeyn muujinaysa inay dirtay email-ka.
Baaritaan socday toddobaadyo kaddib ayaa lagu ogaaday in email-keedii uu ku xannibmay galka Spam ee hay’adda, taasoo keentay inay lumiso fursaddii ay ku heli lahayd guriga.



