Ireland ayaa xabsi afar sano iyo bar ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay inuu isticmaalay baasaboorro diblomaasiyadeed si uu haween dhowr ah ugu fududeeyo inay dalkaas ku galaan.
Ninkan oo lagu magacaabo Cabdallatif Maxamed (40 jir), kana loo yaqaan Hussein, ayaa muddo saddex bilood ah sannadkii 2024 adeegsanayay baasaboorro diblomaasiyadeed oo Soomaali ah, si haween isaga la socday uga soo degaan Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Dublin.
Maxkamadda Dambiyada ee Dublin Circuit ayaa sheegtay in Maxamed uu qirtay afar dacwadood oo la xiriira ka caawinta gelitaan sharci-darro ah, taas oo ka hor imaanaysa Qodobka 6-aad ee Xeerka Caddaaladda Dambiyada ee 2021.
Booliiska Ireland (Garda) ayaa ogaaday in haweenkii la socday aysan ahayn dadka ku sawiran baasaboorada diblomaasiyadeed, inkastoo baasabooradu ahaayeen kuwo sax ah. Waxaa sidoo kale la helay lacago doolar ah iyo taleefanno, iyadoo haweenku sheegeen inay bixiyeen lacag u dhexeysa $14,000 ilaa $15,000 si dalkaas loo soo geliyo.
Garsoore Dara Hayes ayaa xukunka ku sheegay in dambigu yahay mid culus, gaar ahaan isticmaalka baasaboorro diblomaasiyadeed, kuwaas oo leh maqaam gaar ah.
Wuxuu xusay in falkaasi ahaa mid faa’iido-doon ah, islamarkaana eedeysanuhu uu door muhiim ah ku lahaa, inkastoo aan la helin caddeyn muujinaysa in haweenka lagu tahriibiyay si qasab ah.



