Home Wararka Maanta 10 Ruux oo 24 Saac Gudahood lagu dilay Magaalada Balad-xaawo

10 Ruux oo 24 Saac Gudahood lagu dilay Magaalada Balad-xaawo

0

Wararka dheeraad ah ayaa laga helaya dilal siyaabo kala duwan uga dhacay saacadahii lasoo dhaafay gudaha magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xaafada Farjano ee degmada Beledxaawo ayaa Xalay lagu dilay 5 qof oo shacab ah oo mid ka mid ah la sheegay inuu xanuunsana, waxaana shanta qof ay kala ahayeen labo  walaalo ah iyo laba kale oo ay ahayeen ehel hoose qofka xanuunsana.

Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in saakay isla magaalada Baladxaawo lagu dhex dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska, kaasoo magaciisa lagu sheegay Faarax Dheere.

Dilalka ayaa la sheegay iney yihiin kuwa la xiriira aanooyin qabiil, waxaana mudooyinkii dambe ku soo kordhaayay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya dilalka la xariira aargoosiga aanooyinka qabiilka.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya ciidamada Booliiska degmadaasi ay billaabeen raadinta kooxahaan dilalka gaysanaya gudaha magaalada Baladxaawo, waxaana xusid mudan in saakay xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo.

Ugu dambeyntii ma jirto weli wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka,  maamulka degmada iyo kan gobolka Gedo oo ku aadan dilalkan ka dhacay magaalada Beledxaawo saacadahii ugu dambeeyay.

Lasoco wixii kusoo kordha warkaan.

Ad