Home Wararka Maanta Faah-faahin laga bixiyay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

Faah-faahin laga bixiyay dab ka kacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho

0

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar ayaa faah faahin ka bixiyay dab xoogan oo qabsaday qeybta daawada ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir oo ay Waaxdeedi dab damiska ku guuleysteen inay damiyaan.

War qoraal ah uu kasoo baxay Xafiiska Agaasimaha Waaxda Gurmadka Deg dege iyo Dab damiska ee Dowladda Hoose ee Xamar Cabdicasiis Goodax Bare ayaa lagu sheegay in Howlwadeenada waaxda ay xakameeyeen xalay abaare 06:32 Maqribnimo dab xoogan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha, Qeybta Daawada.

Dabka ayaa ka kacay guri ka kooban 6-qol oo ganacsi ah, kaasi oo lagu iibiyo daawooyinka kala gedisan.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Kooxda dab-damiska Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in ay bad-baadiyaan 4-guri oo kale, kuwaasi oo ay ku yaalaan 21-qol oo ganacsi ah, laguna iibiyo Daawooyin, Isbeer-baartiska iyo qalabka Elektaroonikada.

Muqaalo iyo sawiro loo adeegsaday baraha bulshada ayaa lagu arkaayay goobaha uu dabka kakacaayay waxaana daminta dabkaan si toos ah uga qeyb qaatay 38-Shaqaale, oo ka tirsan Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee Gobolka Banaadir.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo suuqa Bakaaraha dab noocaani oo kale uu kakacayo balse xilliyada dabeelaha ay jiraan waa xilliyada ugu badan ee suuqaasi uu dabka kakaco.

Ad
Previous articleDalalka Soomaaliya iyo Azerbaijan oo kala saxiixday heshiis ku saabsan maalgasha beeraha