Home Wararka Maanta Wararkii ugu danbeeyey khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday...

Wararkii ugu danbeeyey khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday aagga buuraha Cal-Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ay ka socdaan howlgallo ay Puntland ku qaaday xubnaha Daacish.

Weerarka oo ahaa mid si aad ah loo soo qorsheeyay lagu beegsaday god wayn oo ay isku uruursanayeen maleeshiyaadka kooxda, una u dhow deegaanka Sheebaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in howlgalkan dhanka cirka ah ay si wadajir ah isaga kaashadeen Puntland iyo Imaaraadka, jab culus-na lagu gaarsiiyay Daacish.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in duqeynta lagu lagu dilay in ka badan 10 xubnood oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka kooxda.

“Duqeyn waxaa maanta lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan Argagixisada Daacish, kuwaasi oo isku urursanayay God u dhow Sheebaab – Calmiskaad. Waxaa duqeynta fuliyey saaxiibada Puntland ee Imaaraadka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaalin wayn oo muuqata ka qaadaneysa dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, waxayna horay sidaan oo kale duqeymo uga fulisay aagga Calmiskaad.

Marka laga tego Imaaraadka, waxaa isagunna dagaalkan qayb ka ah Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliya Puntland, kuwaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Daacish.

Si kastaba, Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan albaabada u furay cid weliba oo gacan ka geysaneysa howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maalmaha badan ka socda dhulka buuraleda ah ee gobolka Bari.

Ad
Previous articleMooshin ka dhan ah Raysulwasaare Xamse oo Socda Xili Baarlamaanka Soomaaliya Furmaayo
Next articleAxmed Madoobe oo Ka Cabanaaya Xaalad adag oo dowladu kusoo rogtay