Home Wararka Maanta Dowlada Soomaaliya oo Ganacsade Alshabaab u Dacwooday Markii ugu Horaysay Xukun ku...

Dowlada Soomaaliya oo Ganacsade Alshabaab u Dacwooday Markii ugu Horaysay Xukun ku Riday

0

Xukunka Ganacsade Rag uu Deyn Ku lahaa Ku Dacweeyey Khawaarijta.

Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in Maxkamad Beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka, ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta, waxa uu afarta qof ka dacweeyey Maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeedana waxa uu u dhaqaaqay in Khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay Hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda Lix iyo Tobanka Bishii kow iyo tobnaad ee sanadkii hore 2024.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada QS, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Lixdii Bishaan February.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Cabdifitaax Yuusuf Xersi Cagaweyne Lix Bilood oo Xabsi argagixiso ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleKu dhawaad 30 Askari oo Ka tirsanaa ciidamada Puntland oo Daacish Hal goob ku dishay
Next articleDagaal Qaraar oo Saraakkiil ku Dhaawacmeen oo ka Dhacay Muqdisho