Home Wararka Maanta Rooboow oo Shaaciyay inuu Markasta Alle Waydiisto inuu ka Cafiyo Khaladkii uu...

Rooboow oo Shaaciyay inuu Markasta Alle Waydiisto inuu ka Cafiyo Khaladkii uu ku gaystay Alshabaabnimada

0

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo maanta warbaahinta kula hadlay gudaha magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan dagaalka kooxda Shabaab.

Wasiirka oo su’aalo adag kala kulmay Wariyeyaasha ayaa mar kale ku celiyay inuu mar kale ka Towbad keenay fikirka Al-Shabaab, isla markaana uu mar kasta Alle waydiisto dambi dhaaf.

Sidoo kale wuxuu dalbaday in loo sacbiyo, maadaama uu kasoo laabtay waddadii hore ee khaldaneyd, iyada oo kadib wasiiradii iyo dadkii kale ee meesha joogay ay la dhaceen jawaabtiisa.

“Aniga fikirkii Al-Shabaab mar hore ayaan ka towbad keenay ee sacbiya, marwalba oo aan Salaad Tukadana Ilaaheey ayaan baryaa” ayuu yiri wasiir Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Towbada waa wax joogta ah runtii wax kasta oo khalad ah oo aniga iga dhacay horayna waa uga Towbad keenay Salaad kasta oo dukanada rabigey waan baryaa”

Waxaa kale oo uu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka dalbaday inay u istaagaan ka qayb-galka dagaalka cadowga looga xoreynayo dalka.

“Farrinteyda ugu dambeyn waxa ay tahay la dagaalanay nimanka ee idinka naftiina ku bilaaba” ayuu mar kale yiri wasiirku.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay maalgelinta argagaxisada, isaga oo sheegay in cudur daar aanu lahayn qof kasta oo lacag u geeya kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Puntland oo Saldhigyo Hor leh la wareegay iyo Maydad Daacish oo lasoo saaray
Next articleMaxkamada Ciidamada oo Maantay Go,aan layaab leh ka gaartay lamaane Alshabaab ah oo is qabay