Home Wararka Maanta Ciidamada Puntland oo Saldhigyo Hor leh la wareegay iyo Maydad Daacish oo...

Ciidamada Puntland oo Saldhigyo Hor leh la wareegay iyo Maydad Daacish oo lasoo saaray

0

Faa-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgallo culus oo ay weli ciidamada Puntland kasii wadaan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu beegsanayo Khawaarijta Daacish ee ku sugan halkaasi.

Ciidamada ayaa helay maydadka ajaaniib horleh oo ka tirsanaa kooxda, kadib markii ay maanta la wareegeen saldhigyo ku yaalla aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in maydadkan ay ka carareen maleeshiyaadka Daacish, kadib markii lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay dhulka buuraleyda ah ee Bari.

“Ciidanku waxay heleen Maydad hor leh oo ah Ajaanib Argagixisada Daacish, uga carareen saldhigyo Ciidanku kala wareegay. Howlgalka Amni ayaa weli ka socda Togjaceel – Calmiskaad.” ayaa lagu yiri qoraalka Taliska Howlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.

Sidoo kale howlgal kale oo ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa lagu soo qabtay ajaaniib kale oo la tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, kuwaas oo ay haatan ku socdaan baaritaanno dheeraad ah, sida uu sheegay talisku.

“Laamaha Amniga ayaa qabtay 4 qof oo 3-Ajaanib tahay, kuwaas oo baaritaan lagu hayo, waxaa lala xiriiriyey Argagixisada Daacish” ayaa mar kale lag yiri qoraalka.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSuuqa Bakaaraha oo Saakay Gabi ahaanba xiran iyo Sababta oo la shaaciyay
Next articleRooboow oo Shaaciyay inuu Markasta Alle Waydiisto inuu ka Cafiyo Khaladkii uu ku gaystay Alshabaabnimada