Home Wararka Maanta Horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka tirsan Galmudug

Horjoogayaal ka tirsan Shabaab oo lagu dilay Deegaano ka tirsan Galmudug

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo Xalay Fiidkii hore ciidanka deegaanka ka fuliyeen deegaanka Ceel garas ee gobolka Galgaduud, kaasoo lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Al-shabaab.

Ciidamada difaaca deegaanka ayaa la sheegay in howlgalka ka dhacay Ceel garas ay ku dileen horjooge lagu magacaabo Mirre Cagdheer iyo laba kale oo ka tirsanaa Saraakiisha kooxda ee deegaankaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalka lagu dhaawacay ilaa lix xubnood oo ay ka mid yihiin horjoogayaal magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Salmaan oo ahaa horjoogahii deegaanka Ceel garas iyo Madaxii Maaliyadda Kooxda ee deegaankaas oo magaciisa lagu soo koobay Jabriil.

Maxamed Faarax Geeddi oo howlgalkaan  hoggaaminayay ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dhaawacyadii kooxda Al-shabaab ay ula carareen dhanka magaalada Galhareeri ee gobolka Galgaduud.

Howlgalkan khasaaraha xoogan lagu gaarsiiyay horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsana kooxda Al-shabaab ee deegaanka Ceel garas ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay wado abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalada ka dhanka ah kooxda oo mudooyinkii lasoo dhaafay hakad ku jiray.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Heshiis Taariikhi ah la saxiixday Dhigiisa Dalka Masar
Next articleMaxkamad Diiday Sharciga Cusub ee Dhalashada loogu diiday Caruurta ku dhalatay Mareykanka