Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo ka laabanaysa go,aankii Ciidamada Itoobiya looga saaraayay Soomaaliya

Dowlada Soomaaliya oo ka laabanaysa go,aankii Ciidamada Itoobiya looga saaraayay Soomaaliya

0

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka dhacay Ankara.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda.

Qorshaha kale ee ku hoos duugan ka laabashada go’aanka dowladda ayaa ah mid soo dadajinayo in Itoobiya ay burbureyso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, sida ay rumeysan quburada sida dhow ula socda xiisadda labada dal oo heerar kala duwan soo martay.

Dhinaca kale isbeddalka ku yimid go’aanka dowladda ayaa dad badan u arkaan lama filaan, maadaama tan iyo horraatii sanadkan ay madaxda qaranka ku celcelinayeen inay ciidanka Itoobiya ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka mid noqon doonin howlgalka cusub, sabab markaas ku aadaneyd heshiiska sharci darrada ee badda.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleTrump oo Amaan Ugu Qubeeyey Erdogaan
Next articleMaxaadan ogayn oo Xalay ka Dhacay Xarunta Villa Soomaaliya?