Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad uu xilka kula wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Amiir ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo farxad-geliyay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho.
Xamza ayaa shaaca ka qaaday in la gaaray waqtigii caasimada lga qaadi lahaa dhagaxaanta ku xiran waddooyinka, si loo fududeeyo isku socodka dadka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa faray wasaaradda amniga gudaha iyo saraakiisha ciidamada inay fuliyaan amarkan, si shacabka looga hor leexiyo dhagaxaanta.
“Waxaan u sheegaya wasiirka amniga iyo laamaha ammaanka inay ka shaqeeyaan sidii dhagaxaanta weli taalla waddooyinka magaalada Muqdisho waxaana la gaaray xiligii shacabka dhagaxaantaasi laga hor wareejin lahaa” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza.
Sidoo kale wuxuu ka hadlay bilicda caasimada, isaga oo maamulka cusub ee gobolka ugu baaqay inuu diirada saaro wax ka qabashada nadaafad xumada, la’iskulana xisaabtamo.
Hadalkan ku aadan furista jidadka ayaa ra’iisul wasaaruhu horay u sheegay marar badan, balse ma jirto wax iska beddalay, waxaana weli sababo amaan u xiran waddooyin badan.
Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa haatan wajaheyso deganaasho amni, waxaana laga nastay qaraxyadii ka dhici jiray iyo weeraradii tooska ahaa ee kooxda Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa
Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad