Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Mucaaradka Suuriya oo Amaro kusoo Rogay Suuriya Xili aya Gabai haan La...

Mucaaradka Suuriya oo Amaro kusoo Rogay Suuriya Xili aya Gabai haan La Waregeen

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumaddii nidaamka Assad ee Suuriya , Mohammad Ghazi al-Jalali wuxuu wajigiisa ka ilaashaday taariikh mahadho ku noqon lahayd , dabcan waa sunni — balse wuxuu qaatay go’aan maangal ah, markii uu baahiyay muuqaal uu ku sheegayo inuusan ka bixi doonin Dimishiq oo uu heyn doono faylashii dawladda iyo xarumaha dawladda, nidaam kasta oo hela kalsoonida shacabkana uu la shaqeyn doono, tani waxay dhalisay inay kalsooni siiyaan mucaaradka oo warsaxaafadeed rasmi ah ku sheegay inuu shaqada sii wado oo uu hoggaamin doono adeegga bulshada illaa xukunka lagala wareegayo, tan oo dhalisay in lagu amro agaasimayaashii iyo maareeyaashii hay’adaha dawladda inay shaqo galaan oo adeegga bulshada uu sidiisii u socdo.

Mucaaradka , sidoo kalena waxay ku amreen ciidankii booliiska ee magaalo kasta oo ay ku jirto Dimishiq ee ay gacanta ku dhigeen inay shaqeeyaan oo aysan ka bixin, sidoo kale dawladaha hoose, adeegga gurmadka deg degga ah iyo xarumaha caafimaadka ayaa shaqeynaya.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya
Next articleCiidamada Dowlada oo loo Qabtay inay 48 saac uga Baxaan Raaskanbooni