Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Axmed Madoobe oo si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya

Axmed Madoobe oo si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya

0

Maamul goboleedka Jubbaland ayaa si toos ah ugu xirtay dowladda Itoobiya oo xilligan khilaaf culus oo ka dhashay heshiiskii badda uu kala dhexeeyo dowladda federaalka, kaas oo dhaliyay xiisad diblumaasiyadeed oo wayn.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiil sar sare oo ka socota Itoobiya ay Sabtidii shalay diyaarad milatari ku tageen magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland, halkaas oo ay wada-hadallo gaar ah kula leeyihiin madaxweyne Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale Warbaahinta u sheegay in saraakiisha Itoobiyaanka ah uu qorshahooda uu yahay in madaxweynaha dib loo doortay ay kala hadlaan xiisadda soo korortay, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowlada dhexe.

Sidoo kale, Itoobiya ayaa casuuntay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo isna gaaray caasimada dalkaasi ee Addis Ababa, waxaana diray Axmed Madoobe si uu wada-hadalo ula soo yeesho hoggaanka sare ee waddankaasi.

Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa nooca taageerada ay xilligan Itoobiya siineyso dowlad goboleedka Jubbaland, maadaama ay wajaheyso dagaal uga imaanayo dhinaca dowladda oo ka hortimid dib u doorashadii madaxweyne Axmed Madoobe.

Itoobiya ayaa u muuqato inay ka dhex faa’iideysaneyso khilaafka labada dhinac, waxaana horay ciidamo badan ay usoo gelisay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Gedo kuwaas oo saldhigtay degmooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka oo ka war heshay qorshahan culus aya dhankeeda, si weyn u cambaareysay dhaq-dhaqaaqa Itoobiya, waxayna ku eedeysay inay ciidamo kusoo daabuleyso gudaha dalka, ayna iska horkeeneyso qaar kamid ah beelaha Soomaaliyeed.

Si kastaba, xiisadda ayaa u muuqata inay weji cusub yeelaneyso oo arrintu ay dagaal ku socoto, maadaama weli dowladda dhexe ay ciidamo ku daabuleyso deegaannada Jubbaland

Kulan Dhexmaray Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Dhigiisa Jabuuti Ismail:- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga

Israel oo Duqeymo ka geysatay Saldhigyo uu la Wareegayo Turkiga

Diyaaradaha dagaalka ee Israa’iil ayaa fuliyey in ka badan 15 duqeyn oo lagu qaaday garoonka diyaaradaha ee Hama, taasoo socotay xalay qiyaastii saacad iyo bar. Afhayeenka ciidamada Israa’iil ayaa sheegay

Warar laga helayo dagaal culus oo ka socda Galbeedka gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu haatan dagaal beeleed xoogan uu ka socdo inta u dhaxeysa deegaanada Jiicboor iyo Saax qurun oo dhaca Galbeedka gobolka Mudug. Dagaalkaan oo

Maamulka Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay xubno kasoo baxsaday Kooxda Al shabaab

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Afar Xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada Booliiska Gaar ahaan laanta Baarista Dembiyada CID-da ee Gobolka Bay.

Diyaarad ay leedahay Dowlada Israel oo ku bur-burtay Magaalada Qaza

Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Ad
Previous articleMucaaradka Suuriye oo La Wareegay Caasimada Dalkaaas
Next articleMucaaradka Suuriya oo Amaro kusoo Rogay Suuriya Xili aya Gabai haan La Waregeen