Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Jubaland oo Isku Dayday inay soo Rido Diyaarad ku wajahnayd Raaskanbooni

Jubaland oo Isku Dayday inay soo Rido Diyaarad ku wajahnayd Raaskanbooni

0

Jubbaland ayaa sheegtay in ay lidka diyaaradaha ku garaacday diyaarad gelinkii dambe ee shalay kusii jeeday dhanka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, taas oo ka baxday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in diyaaradda ay sahay u siday ciidamada dowladda ee ku sugan aagga Raaskambooni oo maalmahan ay ka jireen dhaq-dhaqaaqyo culus.

“Ciidamada Jubbaland ayaa galabta 5:20pm qoryaha lidka diyaaradaha ku garaacay diyaarad shixnad u sidey maleesshiyaadka lagu daabuley Raaskaambooni” ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga Telefishinka Jubbaland.

Sidoo kale waxaa warka qoraalka ah lagu sheegay in diyaaraddu ay dagi weysay, kadibna ay u jiheysatay dhinaca xuduuda Kenya oo ay markii dambe jihadaasi kasoo degtay.

“Diyaarada ayaa jihadii ay ka degi jirtey ka carartey kana soo degtey dhanka xuduuda Kenya ayadoo markii ay ka duulaysay garoonka Diyaaradaha Raaskambooni faro caaradood kaga fakatey rasaasta ciidamada Jubbaland ku ridayeen” ayaa lasii raaciyay.

Waxaa kale oo qoraalka lagu yiri “Ciidamada Jubbaland ayaa fariisin ka samaystay goob aan ka fogayn garoonka diyaaradaha Raaskambooni waxaana ka go’an sidii looso afjari lahaa maleeshiyada Xamar diyaaradaha lagaga soo daabulay si ay u khalkhal galiyaan amniga deegaanada Jubbaland”.

Horay Jubbaland ayaa u mamnuucday in diyaaradaha ay toos uga dagaan Raaskambooni, taas oo uga sii dartay xiisadda ka taagan maamulkaasi.

Dowladda ayaa dhankeeda iyaduna xayiraad kale uga jawaabtay go’aankaasi, waxayna gebi ahaan joojisay in diyaaradaha ay u duulaan dhammaan deegaanada hoostaga Jubbaland.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleCiidamada Cirka iyo Kuwa Badda oo Ku Biiray Xiisada Ka Taagan Jubaland
Next articleBishaar Al Asad oo Jawaab uu ka Naxay ka Helay Trump Xili Dimiship laga Saari Rabo