Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Cirka iyo Kuwa Badda oo Ku Biiray Xiisada Ka Taagan Jubaland

Ciidamada Cirka iyo Kuwa Badda oo Ku Biiray Xiisada Ka Taagan Jubaland

0

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose dejisay ciidamada cirka, kuwa badda iyo kuwa dhulka, sida uu cadeeyey Korneyl Xasan Ciraaqi Taliyaha guutada 18-aad ee Gorgor oo degan Raaskambooni.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidmaada joogay ay maanta ku soo biireen ciidamada cirka oo wata diyaaradaha dagaalka, halka shalay ay Raaskambooni tageen ciidamada badda ee dowladda Soomaaliya oo Muqdisho laga diray.

“Maanta waxaa nagu soo biiray ciidanka cirka ee dowladda Soomaaliya, waad adagtaan gaadiidka ciidamada cirka, sidoo kale waxaa maanta naloo keenay saanad ciidan iyo gaadiid aan aad ugu baahneyn oo noo fududeyn doona gudashada waajibaadkeena qaran,” ayuu yiri Taliye Xasan Ciraaqi.

Taliyaha ayaa cadeeyey in ciidamada qaranka aysan Jubbaland duulaan ku aheyn, balse ay doonayaan inay sugaan amniga dalka, gaar ahaan deegaanadii ay ka baxeen iyo kuwa ay bishaan ka baxayaan ciidamada ATMIS.

“Shalay waxaa nasoo gaaray ciidamada badda oo la wareegay amniga badda, dhamaan ciidamada qaranka ayaa ku sugan halkaan, waxayna gudanayaan waajibaad qaran, ciidamadaan qeyb walba waxay qabsa doontaa shaqada ay u xil saran yihiin,” ayuu yiri Taliyahaan ugu sareeya ciidamada ay dowladda Soomaaliya u dirtay deegaanka Raaskambooni ee Jubbada Hoose.

Diyaaradaha dagaalka ee ciidamada cirka ayaa maanta saldhig ka sameystay Raaskambooni, sidoo kale diyaarado kale oo rakaab ah oo dowladda Soomaaliya ay saartay hub, ciidan, saad iyo gaadiid ciidan, ayaa maanta ka degay Raaskambooni.

“Garoonka Raaskambooni shaqada aan u heyno maaha mid aan dib uga laaba doono,” ayuu hadalkiisa ku sii daray G/Dhexe Xasan Ciraaqi.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo uu qabiilkiisa geed u fariistayna kuma uu socdo”
Next articleJubaland oo Isku Dayday inay soo Rido Diyaarad ku wajahnayd Raaskanbooni