Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo...

Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo uu qabiilkiisa geed u fariistayna kuma uu socdo”

0

Madaxweyne Xasan Sheekh “Axmed Waa Axmed, qabiil ma ahan, Shaqsi waaye, talo uu qabiilkiisa geed u fariistayna kuma uu socdo, ee waa talo asaga ku kooban”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta khudbad dheer ka jeediyey masaajidka Madaxtooyada, isaga oo si gaar ah diiradda u saaray xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa sheegay in maanta uu ka hadlayo arrinta Jubbaland oo keliya, isaga oo faahfaahin ka bixiyey muranka siyaasadeed ee halkaas ka jira.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in waxa uu ugu yeeray qandhada siyaasadeed ay ka bilaabatay isku daygii looga hishiin lahaa doorashoyinka. Wuxuu si cad ugu eedeeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe inuu dastuurka Jubbaland u furay si uu markale ugu soo laabto xukunka markii saddexaad, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la ogalaan doonin.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu ku dooday in muddo-xileedkiisii uu dhammaaday, loona baahan yahay in mandate cusub uu helo, balse Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadka dheeriga ah ee uu xafiiska kusii joogay uu ku yimid heshiis siyaasadeed oo Madashu gaartay. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe in shirkii ugu dambeeyey ee Golaha Wadatashiga Qaran uu keenay soo jeedin ah in la dhiso guddiyada FIAT iyo SEAT, balse markii dambe uu si lama filaan ah shirkii uga baxay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in Ra’iisul Wasaaraha uu ka joojiyey safar uu ku tagi lahaa Kismaayo, isaga oo sheegay in arrintaas looga gol lahaa in laga baaqsado xasilooni darro ka dhacda Jubbaland.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa ku nuuxnuuxsaday in aysan dib ugu noqon doonin nidaamka doorasho ee dadban, balse ay ka go’an tahay in la qabto doorasho qof iyo cod ah taasoo ka dhici doonta meel kasta oo suurtagal ah. Isagoo ka hadlayey arrimaha daabulidda ciidanka ayaa Madaxweynahu sheegay in labadii xilli doorasho ee lasoo dhaafay uu ka fogaaday in xoog militeri loo adeegsado xalinta khilaafaadka siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo gunaanaday in waxa la isku heysto aysan ahayn maamulka Jubbaland, balse uu yahay hogaamiyaha muddo dheer soo maamulayey Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe). Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin in Axmed Madoobe uu 18 sano sii heysto maamulka Jubbaland.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleShirkadaha Diyaaradaha Gudaha iyo Dowlada Soomaaliya oo Heshiiyay Kadib Dulimaad la,aantii Maantay
Next articleCiidamada Cirka iyo Kuwa Badda oo Ku Biiray Xiisada Ka Taagan Jubaland