Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamadii ugu Badnaa oo Itoobiyaan ah oo Soo Galay Soomaaliya iyo Dowlada...

Ciidamadii ugu Badnaa oo Itoobiyaan ah oo Soo Galay Soomaaliya iyo Dowlada oo Dagaal Ku Baaqday

0

Dowladda ayaa si xooggan u cambaareysay tallaabooyinka guracan ee dowladda Itoobiya ay ka waddo gobolka Gedo, oo ay isaga horkeeneyso beelaha halkaasi deggan, taas oo ay sheegtay inay qeyb ka tahay fara-gelinta maamulka Addis Ababa ee ka dhanka ah madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

“Saaka ayaa ciidamo Ethiopian ah oo ka soo baxay degmada Doolow ayaa u soo dhaqaaqey dhanka degmada Buulo Xaawo, hase yeeshee waxaa ka hor yimid dadka degaanka iyo ciidamada qalabka sida oo u diiday inay ku soo ruqaansadaan Buulo Xaaawo,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda Soomaaliya.

Dowladda ayaa caddeysay in Soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay derisnimo wanaag iyo nabad ku wada noolaaansho, hase yeeshee maamulka Addis Ababa uu caadeystey taas bedelkeed oo ah inuu colaado hor leh ka abuuro gobolka, uuna wado tallaabooyin ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxay diyaar u tahay difaaca madax-banaanida iyo qaranimadeeda,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ugu baaqday caalamka oo ay ugu horeeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika inay cambaareeyaan falalka gurracan ee Itoobiya, kuwaas oo wax u dhimaya nabadda gobolka iyo caalamka intaba.

Bayaanka dowladda Soomaaliya ayaa imanaya xilli laga cabsi qabo in ciidamada Itoobiya ay ku milmaan xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan loolanka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhaxeeya Axmed Madoobe, iyadoo suurta-gal tahay inay la saftaan oo dowlada ka difaacaan Axmed Madoobe

Ad
Previous articleCiidamo badan oo Itoobiyaan ah oo Garab siinaaya Axmed Madoobe oo Soo Galay Jubaland
Next articleDiyaaradii Gudaha oo Diiday inay Ciidamo Geeyaan Raaskanbooni iyo Dowlada oo Talaabo Adag Qaaday