Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Puntland oo Ciidamadii Ugu Badnaa Ku Daabulaysa Boosaaso Maxa soo kordhay?

Puntland oo Ciidamadii Ugu Badnaa Ku Daabulaysa Boosaaso Maxa soo kordhay?

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ayaa sheegaya in haatan dhaq-dhaqaaqyo culus oo ciidan laga dareemayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, halkaas oo la’isugu geeyay ciidamo kala duwan oo ka tirsan kuwa maamulkaasi.

Puntland ayaa ciidamo ka tirsan kuwa difaaca ee maamulkaasi oo wata gaadiidka gaashaaman ku daabusha deegaanka Kala-bayr oo hoostaga magaalada Boosaaso, iyaga oo halkaasi ka sameystay farriimo ciidan oo cusub.

Ciidamadan oo ka kala yimid gobollada kala duwan ee Puntland ayaa ujeedka la’isugu soo aruuriyay waxa ay tahay inay ka qayb-qaataan howlgallo ka bilaabanaya gobolka Bari oo Puntland ay dooneyso inay ku beegsato kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Qorshaha maamulka Saciid Deni ayaa ah in ciidamadan ay guluf ku qaadi doonaan kooxaha ku dhuumaalaysanaya buuraleyda Calmadaw iyo Calmiskaad ee bariga Puntland, halkaas oo ay ku sugan yihiin unugyo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Saraakiil katirsan ciidanka Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar u garoobeen howlgallada bilaabanaya, sidoo kalena ay la dajiyay qorshaha weerarada ay ku qaadi doonaan fariisimaha ay degan yihiin kooxaha nabad diidka ah ee ku sugan halkaasi.

Go’aankan lagu dagaal gelinayo ciidamada Puntland ayaa waxaa dhawaan qaatay madaxweyne Saciid Deni oo sheegay inay iska xoreyn doonaan argagixisada, waxaana ka caawin doono howlgalladaas, qaar kamid ah saaxiibada caalamiga ah ee ka gacan siiyay ammaanka.

Horay Puntland ayaa uga digtay shacabka inay fogaadaan meelaha ay joogaan xubnaha Al-Shabaab iyo Daacish, si aysan waxyeelo uga soo gaariin beegsiga kooxahaasi.

Si kastaba, ciidamada Puntland iyo kooxaha hubeysan ayaa marar badan ku dagaalamay dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, oo ay ku yaallaan godad waa wayn oo ay ku dhuumaaleystaan argagixisada, halkaas oo hadda la qorsheynayo in laga tirtiro kooxahaasi.

Ad
Previous articleUgu yaraan 8 Israa’iiliyiin ah ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday agagaarka deegaanka Ariel.
Next articleDagaal Beeleed lagu Hoobtay oo ka Dhacay Hirshabeele