Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzaaniya kaga qeybgalay Madasha Heerka Sare ee Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Madashaan ayaa lagu xusayaa sannad-guurada 25-aad ee aas-aaska urur goboleedka EAC.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray heerarkii kala duwanaa ee EAC ay soo martay, guulaha la gaaray iyo himilooyinka mustaqbalka ee ururka.
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo madashaan khudbad ka jeediyey ayaa si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dowladaha xubnaha ka ah ururka.
Xasan Sheekh ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in la wajaho caqabadaha guud, lana dhiirrigeliyo nabadda iyo xasilloonida, loogana faa’iideysto fursadaha iyo awoodaha baaxadda leh ee gobolku leeyahay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda kobcinta dhaqaale oo waara iyo in la abuuro mustaqbal ifaya oo dan u ah dhammaan shucuubta ku nool Bariga Afrika.
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Jimcihii maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, si uu uga qeybgalo shir muhiim ah oo u dhexeeya Madaxda dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC)