Guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo farageliyay kiiska askari shalay lagu dhaawacay gudaha xarunta Villa Hargeysa, kadib markii uu si xun u feeray mid kamid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya.
Hab-dhawraha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) oo booqday dhaawaca askariga ayaa ka hadlay falkan, wuxuuna tilmaamay inuu fog yahay anshaxa baarlamaanka, wuxuuna tilmaamay in xildhibaanka uu aragtidiisa ku cabiri karo hadal oo kaliya, balse aan oo loo ogoleyn gacan ka hadal.
Nuux ayaa sidoo kale tilmaaay in arrinta dhacday ay tahay fadeexo wayn, uuna aad uga xun yahay in lagu xadgudbo ilaalada baarlamaanka.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoonka baarlamaanka uu qaadi doono tallaabo adag oo la xiriirta kiiskan, si loola xisaabtamo xildhibaankii ka dambeeyay.
“Guddoonka baarlamaanka tillaabo ayuu qaadaya sharciga ayaana lagu laaban doona, si loola xisaabtamo cidda ka dambeysa dhibaatadan” ayuu yiri Hab-dhawraha baarlamaanka.
“Madaxda Qaranka waxaan u dirayaa fariin ah in la dalacsiiyo askariga dhaawaca ka soo gaaray Feertii Xildhibaanka” ayuu isna yiri Senatior Cabdiweli Ibraahim Garyare.
Arrintan ayaa dhalisay hadal-heyn xoogan, kadib markii muuqaalka askariga lagu baahiyay baraha bulshada, waxayna dadka ka xumaadeen xad-gudubka loo gaystay, isaga oo aan wax jawaab ah ka bixin weerarka xildhibaanka oo ay kaamirada soo qabtay.