Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Beesha Caalamka oo xasan Shiikh Siisay Jawaab lama Filaan ah ee Dorashada...

Beesha Caalamka oo xasan Shiikh Siisay Jawaab lama Filaan ah ee Dorashada Jubaland

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxmauud oo weli sii wada dhaq-dhaqaaqyada ku aadan doorashada qof iyo codka ah ayaa qorshihiisa u gudbiyay xubnaha beesha caalamka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah xubnaha mucaaradka ayaa shaaciyay in isaga iyo madaxweyne Xasan ay madal wada joogeen shalay, isla-markaana uu beesha caalamka kaga codsaday inay ku taageeraan qorshihiisa ku aadan hannaanka doorashooyinka ee uu haatan ka⁹ taagan yahay khilaafka xooggan.

Warsame ayaa sidoo kale tilmaamay in madaxweynaha uu beesha caalamka ka dalbaday inay ka qabato maamullada iyo xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeedo dowladdiisa.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in safiiradii meesha ku sugnaa ay ku jawaabeen in madaxweynaha marka hore la heshiiyo dhinacyada kasoo horjeedo, kadibna la qabto doorasho heshiis lagu yahay.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Madaxweynaha madal aan shalay wada joognay ayuu beesha caalamka kaga codsaday in ay ku taageeraan ajandihiisa doorashada, lagana qabto maamul goboleedyada ka soo horjeeda iyo siyaasiyiinta oo uu ku tilmaamay qaswadayaal (Spoilers).

Jawaabtii ajnabiga waxay noqotay in uu dadkiisa la heshiiyo, lana qabto doorasho heshiiskeeda loo dhanyahay, suuragal noqon karta, dammaanad qaadaysa amniga iyo xasilloonida qaranka, si tartiib tartiib ahna loogu guuro hiigsiga doorasho qof iyo cod ah.

Mid ka mid ajnabigii aan meesha ku arkay ayaa igu yiri; warbixinnada (cables) aan dowladaheenna u dirno magacyada iyo taariikhaha uunbaa iska beddelay ee dhacdooyinkii waa sidoodii ee maxaa idinka si ah Soomaaliyey?

Waxaan qirsanahay in ay wejigabax iyo foolxumo nagu wada tahay, laakiin uu Madaxweynaha noo soo jiiday.

Ad
Previous articleWasiir Fiqi oo La Garnaqsaday Xildhibaanada laga Gobalada Wooqooyi
Next articleAxmed Madoobe oo dhagaha ka fureystay baaqii beesha caalamka soo saartay