Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Dowlada Soomaaliya oo Canshuur Waali ah kusoo Rogtay Diyaaradaha Jaadka Geeya Jubaland...

Dowlada Soomaaliya oo Canshuur Waali ah kusoo Rogtay Diyaaradaha Jaadka Geeya Jubaland iyo Puntland

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xayiraad ku soo rogtay qaar kamid ah duulimaadyadii tegi jiray Jubbaland, gaar ahaan magaalada Kismaayo, sidoo kale waxaa la sheegay in canshuur kordhin lagu sameeyey diyaaradaha qaadka geeya deegaanada Puntland.

Ganacsato warbaahinta la hadashay ayaa shaacisay in amar kasoo baxay dowladda federaalka lagu joojiyey diyaaradihii qaadka geyn jiray magaalada Kismaayo, amarkaas ayaa dhaqan gelaya Jimacaha Maantay ah.

Ganacsatada magaalada Kismaayo ayaa lagu wargeliyey in wixii ka dambeeya 21-ka bisha November aysan ka degi doonin magaalada Kismaayo, Qaadka ayaa kamid ah ganacsiga ugu balaaran ay ka socda Jubbaland, gaar ahaan Kismaayo.

Sidoo kale, canshuur xad-dhaaf ah ayaa lagu soo rogay qaadka la geeyo deegaanada Puntland, sida ay sgeen ganacsato reer Puntland ah oo warbaahinta la hadlay.

Ganacsatada hadashay ee reer Puntland ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay iska joojiyaan qaadkii ay u dhoofi jireen Puntland, maadaama canshuurtaas aysan awoodin.

“Anaga oo reer Jubbaland ah xalay waxaa naloo sheegay in 21-ka November ay noogu dambeyso diyaarad qaad sida, Puntland seddax kun oo doolar oo dheeri ah ayaa lagu soo rogay, iyadoo markii horaba laga qaadi jiray lacag badan oo sharci darro iyo xad-gudub lagu qaada jiray,” ayuu yiri mid kamid ah ganacsatadii hadashay.

Arrintaan ayaa salka ku heysa khilaafka ka dhexeeya dowladda federaalka, Jubbaland iyo Puntland, waxayna ganacsatadu toos ugu eedeeyeen Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ay sheegeen inuu awood u sheeganayo.

“Wixii Farmaajo nagu sameeyey ayaa mar kale maanta taagan, cidda nagu sameyneysa waa Ra’iisul Wasaaraha oo na metela,” ayuu yiri ganacsade ka hadlay xayiraadaan ay ku soo rogtay dowladda federaalka.

Waxay ku doodeen in Xamsa oo kursi xildhibaan ay Jubbaland ka soo siiyeen intii aan loo magacaabin ra’iisul wasaaraha uu dib ugu soo noqday isagoo awood u adeegsanaya, iyagoo ku tilmaamay “nin jaraya geedkii u uku taagnaa.”

“Ra’iisul Wasaare naga daa faragelinta aad nagu heyso, Jubbaland kaama mudna cunaqabateyn, yaan naloo kaa adeegsan, waxaa tahay nin dhan oo dad metela,” ayuu yiri ganacsade kale.

Ad
Previous articleMaraykanka oo Dacawad kusoo oogay ninka 25naad ee Aduunka Ugu Taahirsan
Next articleWasiir Fiqi oo La Garnaqsaday Xildhibaanada laga Gobalada Wooqooyi