Home Wararka Maanta War Deg Deg ah: Maxkamada ICC oo ku dhawaaqday in lasoo Xiro...

War Deg Deg ah: Maxkamada ICC oo ku dhawaaqday in lasoo Xiro Natayaahuu

0

Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (ICC) ayaa Khamiista maanta ah soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirka gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.

“Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan,” ayey bayaan ay soo saartay ku tiri Maxkamadda ICC ee fadhiggeedu yahay magaalada Hague.

Waxay sidoo kale soo saartay amar lagu soo xirayo Deif, sida lagu yiri bayaanka.

“Si kastaba, garsoorayaasha ayaa go’aansadey in la sii daayo xogta hoos ku qoran maadaama ay u muuqato in dhaqan la mid ah kii lagu xusay amarka xiritaan uu socdo,” ayay tiri maxkamadda.

“Intaa waxaa dheer, garsoorayaasha waxay u arkaan inay dani ugu jirto dhibanayaasha iyo qoysaskooda in la ogeysiiyo jiritaanka amarka xiritaan.”

Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza.

Netanyahu ayaa Gallant ka ceyriyay xilkii wasiirka gaashaandhigga 5-tii November.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland oo gordhow la doortay