Home Wararka Maanta Aabbaha dhalay gabadhii meydkeeda oo jarjaran laga helay Nairobi oo hadlay

Aabbaha dhalay gabadhii meydkeeda oo jarjaran laga helay Nairobi oo hadlay

0

Waaxda dambi-baarista dalka Kenya ayaa baaraysa meyd si xun loo jarjaray oo lagu soo tuuray qubuuraha Langata kaasi oo loo maleynayo in uu ku lug leeyahay Hashim Dhaqane Muxumed, oo horey loogu eedeeyay dilalkii naxdinta laha ee hooyo, gabadheeda oo 12-jir ah – iyo gabadh ay habaryar u ahayd.

Lafaha oo ku jira bac ayaa laga helay meel ka baxsan qabuuraha Langata 31-kii Oktoobar.

Ka dib markii meydkaasi la helay ayaa saraakiisha dambi baarista waxay sameeyeen baaritaan dheeraad ah iyaga oo booqday goob laga dukaameysto, halkaasi oo ay eegeen kamaradaha CCTV isla markaana gabadha loo maleynayo in la dilay la arkay iyada oo ka dukaameysanaysa.

Waxaa la rumeysan yahay in haweeneyda la hadal hayo ay noqon karto Deeqa Cabdi Nuur Qorane, taasoo la waayay 24-kii Oktoobar.

“Inaan ku nasanno ayaan rabnay”

Aabaha dhalay deeqo oo lagu magacaabo Cabdi Macallin Nuur (Qorane) ayaa sheegay in gabadhiisa la waayay 23 bishii aanu soo dhaafnay.

Mr Qorone oo BBC la hadlay ayaa sheegay in tan waqtigaasi ay raadinayeen gabadha, isla markaana booliiska ay ku wargaliyeen.

“Taariikh aan u maleynayo inay ahayd 23 bishii Oktoobar ,meel ayay shaqo u joogtay markii ay shaqada ka baxday oo shan saac iyo bar la joogo ayaa noogu dambeysay,”ayuu yiri.

Waxaa uu inta ku daray in markii uu soo gaaray warka ah in gabadhiisa la waayay uu jahawareer dhacay islamarkaana booliiska lagu wargaliyay.

“Meel wax loo doono ayaa la waayay waa uun la orday booliiska ayaa la tagay oo laga qoray lambarro, ka dib booliiska ayaa arrinta galay iyaga ayaana waday” ayuu yiri.

Cabdi Macallin Nuur (Qorane) ayaa xusay in booliiska ay ku soo war geliyeen in meydka gabadhiisa oo la jarjaray la helay.

“Waxay nagu soo gaartay booliiska ayay naga soo gaartay gabadha meydkeedii iyo lafaheedii iyo meeshii lagu dilay, booliiska ayaa arkay markaas ayaa lafaheeda la soo xaabiyay ayadoo la qalay oo aan hilib lahayn marka warkaas ayay booliiska na soo gaarsiiyeen” ayuu intaa ku daray.

Aabahan ayaa sidoo kale BBC u sheegay in dilka gabadhiisa ay ku tuhmayaan Haashim Dhaqane oo gacanta ugu jira booliiska, islamarkaana ay gabadha qaraabo ahaan isku barteen.

“Nin baa la tuhmayaa ninkiina waa la soo qabtay waa ninka gabdhaha hore-na laayay oo markii hore-na baadi-goobkiisa lagu jiray tana wuu ku darsaday markii horena waa lagu tuhmayay, anigu ma aqaan ninka laakiin waa nin markii hore qaraabo la moodayay oo qabiilka uun ka dhashay qaraabanimo ayayna markii hore isku barteen gabadha,” ayuu sheegay Mr Qorane.

Aabbe Cabdi Nuur Qorane ayaa dowladda ka dalbaday inay gabadhiisa ay cadaalad hesho.

“Annaga kolley caddaalad un-baan rajeynaynaa wax allaale iyo wixii ay dowladda soo saarto un-baannu sugaynaa, tallaabo kale oo hadda noo muuqata oo aan qaadi karno ma laha dowladda iyo caddaalada wixii ka soo baxa ayaan arki doonaa” ayuu yiri.

Mar aan wax ka waydiinnay taariikhda gabadhiisa ayuu aabbahan sheegay in gabadha ay muddo dheer ku soo dadaalayeen waxbarshadeeda, islamarkaana ay dhawaan ka qalinjabisay kulliyad caafimaad.

“Gabadha waxay ahayd gabadh waxbarasahada waqti dheer ku soo jirtay sanadkeedana waa 27 jir, 7 jir ayay waxbarsho ku gashay dhakhtarnimo ayay baranaysay marka maalmahan la qabanayay ayay soo qalinjabisay markii ay soo qalinjabisay ayay shilkan la kulantay” ayuu yiri Mr Qorane.

Mr Qorone oo codkiisa laga dareemi karay murugada ayaa sheegay in gabadhiisa marki ay waxbarshadii soo dhameysay oo ay doonayeen inay ku nastaan ay cadow gacanta u gashay.

“Tuulooyiinka Mandera hoos yimaadda ayay ku soo kortay oo ka waxbaratay, marka Gasey meel la yiraahdo ayay dugsi hoose dhexe iyo saraba ku dhameysay oo jaamacad Gaarisa u aaday ka dib Nairobi ayay ku dambeysay, intaas ayey waxbarasho soo wadday annagana aan taakuleynaynay, inay wax noo soo barato oo aan ku nasanno ayaan rabnay laakiin gacan cadow ayaa alle u yeelay” ayuu intaa ku daray.

Ad
Previous articleDowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay lacag deyn ah oo ka badan 100 milyan oo dollra
Next articleDagaal laisku riiqmay oo Dhexmaray alshabaab iyo Ciidamada Dowlada