Home Wararka Maanta Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay lacag deyn ah oo ka badan...

Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay lacag deyn ah oo ka badan 100 milyan oo dollra

0

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhamaan daymihii dowladda Japaan ku laheed Soomaaliya ay kacafisay kaddib kulan ka dhacay magaalada Niarobi oo uu ka qyab galay wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya ayna ku kala saxiixdeen labada dal heshiis arrintaa la xiriira.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Japan ee Dalka Kenya Mr. Ogihara Hiroshi, ayaa maanta si wadajir ah u saxiixay heshiis Dowladda Japan ay ku cafinayso lacag dhan 14-Bilyan oo lacagta Japan ah, doolar ahaan u dhiganta in ka badan Boqol Milyan oo Doolar.

Tallaabadaan ayaa qayb ka ah hannaan muddo soo socday oo Soomaaliya looga cafinayo daeymo ay ku leeyihiin dalal iyo hay’ado caalami ah.

Ad
Previous articleBiden oo jeediyay Khudabddii ugu horreysay ee meel fagaare ah kaddib dib u doorashadii Trump
Next articleAabbaha dhalay gabadhii meydkeeda oo jarjaran laga helay Nairobi oo hadlay