Home Wararka Maanta Wasiirkii Sadexaad oo iska Casilay Xukumada Xamza

Wasiirkii Sadexaad oo iska Casilay Xukumada Xamza

0
 Wasiir ku-xigeenkii wasaaradda dekadaha iyo gaadiidka badda Soomaaliya, xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa noqdey wasiirkii saddexaad ee iska casila xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, muddo maalmo gudahood ah.

Is-casilaadda Wasiirada ayaa salka ku haysa khilaafka u dhexeeya Dowaldda Federaalka ah iyo Jubaland. Xildhibaan Sadaam ayaa ka soo jeeda Puntland, waxaana uu ku eedeeyey xukuumaddii uu ka tirsanaa in ay baalmartay dastuurkii dalka, siyaasadeysey mashaariicda Puntland, burburineyso nidaamka federaalka, colaadna ka abuureyso deegaanada Jubaland.

Xildhibaan Saddaam ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii dhawaan oggolaadey casumaadii Puntland uga timid kadibna soo saarey baaqa ay ku taagerayaan mowqifka Puntland ee ku aadan Dowladda federaalka, waxaana uu ahaa Wasiirka keliya ee kamid ahaa dhawr iyo tobanka xildhibaan ee Garoowe ka degay dhamadkii bishii hore.

Hoos ka akhri qoraalka ka soo baxay Xildhibaan Saddaam maxamuud ee iska casiley golaha xukuumadda:

Ku: Ra’iisal wasaaraha XFS

Og: Xafiiska Madaxweynaha JFS

UJEEDDO: Is casilaad

Mudane Ra’iisal wasaare:

  1. Markii aan arkay in horumarkii iyo howlihii Qaran in looga Mashquulay kala dhantaalida iyo dhaawacida midnimada iyo wadajirka ummada Soomaaliyeed.
  1. Markii aan arkay in shaqadii Xukuumaddu ku soo ururtay danaysi iyo damac gaar ah.
  2. Markii aan arkay in Xukumada shaqo ka dhigatay abuurida colaado sokeeye iyo kala qaybinta bulsha weynta Soomaaliyeed gaar ahaan dadka iyo deegaanka aan ku metalo Kursi Xildhibaanimo iyo kan Golaha Xukumada ee Dowlada Puntland.
  3. Markii aan arkay in la siyaasadeeyey mashaariicdii horumarineed si toos ahna loogu diiday dadkii iyo dowladii aan metelay ee Puntland.
  4. Markii aan xaqiiqsaday in XFS Shaqayso burburinta nidaamkii lagu heshiiyey ee Federaalka ahaa.

 

  1. Markii aan arkay in XFS ay baalmartay dastuurkii dadka Soomaaliyeed heshiiska ku ahaayeen.
  2. Markii ay ii cadaatay in XFS ku howlan tahay in ay deegaanada Jubbaland ka wadato abuurista colaado iyo xasilooni darro siyaasadeed.

Hadaba, waxaan maanta oo taariikhdu tahay 05/11/2024 go`aansaday in aan iska casilo xilkii Wasiir ku xigeenka Wasaarada dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS.

ALLAA MAHAD LEH.

Ad
Previous articleGermalka oo Somaliya kala heshiiyay Celinta Qaxootiga Dalkaasi ku nool ee Sharciga Heysan
Next articleBenjamin NETANYAHU oo Xilka ka Qaaday wasiirkiisii difaaca