Xog cusub ayaa ka soo baxeysa dil aad u foolxun oo shalay magaalada Muqdisho loogu gaystey afar dhallinyaro ah oo dukaamo ku haystay xaafadda Miisaanka Dhuxusha ee degmada Yaaqshiid.
Sida aan xog ku helnay, afarta dhallinyaro ayaa ku sugnaa goobtooda ganacsi markii ay toogteen rag ku hubeysan baastoolado, oo si qorsheysan ku socday.
Saddex ka mid ah la sheegay inay isla goobta ku geeriyoodeen, halka qofka afaraadna isagoo dhaawac culus qaba loola cararay goobaha caafimaadka, halkaasi oo u uku geeriyooday.
Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in dilka dhallinyaradaan ganacsatada aheyd uu la xariiro, kadib markii dukaamadooda ganacsi ay ku xireen Kaamirooyinka CCTV, taasoo ay amartay dowladda in lagu xiro goobaha ganacsiga Muqdisho, waxaana arintaasi si weyn u diidan kooxda Al-Shabaab.
Argagixisada Al-Shabaab ayaa aaminsan in kaamardu ay hoos u dhigtey shaqooyinka ay ka dhex qabsan jireen goobaha ganacsiga, waxaana ay hoos u dhigtay lacag ururintii ay ka dhex sameyn jireen suuqyada, sidaas darted goob kasta oo u hoggaansanta sharciga dowladda ayey dagaal ku aadeen.
Todobaadkii hore ilaa shan qof ayaa sidaan oo kale oo loo dilay.