Home Wararka Maanta Gudoomiyihii Degmada Hodan oo dib ugu soo laabtay Shaqdiisa Talaabo Culusna Qaaday

Gudoomiyihii Degmada Hodan oo dib ugu soo laabtay Shaqdiisa Talaabo Culusna Qaaday

0

Guddoomiyaha maamulka degmada Hodan, Cali Fahle ayaa mar kale dib ugu soo laabtay xafiiskiisa, kadib maalmo uu shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho Yuusuf Madaale.

Cali Fahle ayaa isla markii uu kusoo laabtay shaqada sameeyay kormeer amni oo deg-deg ah, wuxuuna xalay isaga oo ay wehlinayeen ku xigeenka dhanka amniga iyo taliyeyaasha Booliska iyo NISA ee Hodan ay kormeereen xaafadaha kala duwan ee degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay socod dheer ku mareen waddooyinka muhiimka ah, iyaga oo gudaha u galay goobaha ganacsiga oo ay ku jiraan xarumihii dhowaan lagu dhex dilay ganacsatadii ku sugneyd aagga Soona-key.

Intaas kadib waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiye Cali Fahle oo faah-faahin dheeraad ah ka bixiyay kormeerka ay sameeyeen iyo ujeedka ay ka lahaayeen.

“Runtii sharaf ayay noo ahayd inaan soo kormeerno qaybaha kala duwan ee degmada, waxayna ahayd shirar soo socday oo xagga amniga ahaa ayuu kasoo baxay go’aankan ah u kuur-gelidda xaaladaha degmada Hodan” ayuu yiri guddoomiye Cali Fahle.

Sidoo kale wuxuu u mahadceliyay ciidamada ammaanka ee ku sugan baraha koontarool ee degmada Hodan, wuxuuna ku amaaanay shaqada ay ka qabteen amniga degmada.

Ad
Previous articleKooxda Xisbullah oo sheegatay masuuliyadda weerar gantaalo oo lagu qaaday saldhigga ciidamada badda Israil
Next articleMadaxweyne Xasan iyo Ruto oo qodobo xasaasi ah ka wadahadlay