Home Wararka Maanta M.D Xasan Sheekh Maxamuud oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta...

M.D Xasan Sheekh Maxamuud oo loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta inuu akoon gaar ah ku shubto lacagaha kasoo xarooda….

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo jeediyay eedeyn culus oo la xiriirta inuu akoon gaar ah ku shubto lacagaha kasoo xarooda dhulka danta guud ee dowladda iibiso.

Xasan ayaa eedeyntan loo jeediyay xilli ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisadda dhulka Kalluumeysiga, oo la faray dadkii deganaa inay ka guuraan, kuwaas oo u badan danyar, dalbadeyna in la fiiriyo xaaladooda inta aan amarka lagu soo rogin.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa madaxweynaha ku dhaliilay sida uu u wajahayo arrimaha dhulka danta guud, isagoo tilmaamay inuu dhagaha ka fureystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga.

“Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya iyo kuwo kale,” ayuu Xildhibaan Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray maanta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dhulkaasi lacagihii ay dowladda ku iibisay in aan midna lagu shubin qasnadda dowladda, ayna ku dhacday akoon madaxweynaha u gaar ah.

Hoos ka aqriso qoraalka;

Madaxweynaha dhagaha ayuu ka furaystay farriimaha dadka danyarta ah ee deggan xarunta Kaluumaysiga.

Waxaa horay dad danyar looga barakiciyey, qaarkoodna magac dawladeedna lagu iibiyey Xaruntii Dab-damiska, Xeradii Gaadiidka Dowlada Hoose, Xaruntii Dhulbixinta, Xaruntii Wasaaradda Howlaha Guud, Dhulka Ciidanka Asluubta, Qabuuraha Iskool Boolisiya, Wakaaladda Onod, Dhulkii Oodweyne, Xerada Bangala, Xeradii Guulwadayaasha, Hotel Jubba, Bakhaarradi Keydka ee Wasaaradda Beeraha iyo kuwo kale.

Lacagihii laga qaaday midkoodna laguma shubin qasnadda dowladda, waxaana caddayn u ah in aysan miisaaniyadda Baarlamaanka hortaalla dakhli iyo qarashayn meelna kaga jirin. Akoon Madaxweynaha u gaar ah ayaa lagu shubaa.

Dowlad waxa ugu wayn ee ay u jirtaa waa in ay danyarta ilaaliso, laakiin taa caksigeeda dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh u waynyahay waxay ilaalisaa danta madaxyaweynta.

Maxaad ka filanaysaa dadka rayadka ah ee tabarta daran ee magaca dowladeed lagu barakicinayo, iyadoo dhulka laga qaadayna loo qaybinayo ganacsato lacag laga qaaday, siyaasiyiin taageero laga rabo, iyo dad ehel iyo asxaab ah oo lagu naasnuujinayo? Ma is leedahay dadkaas ayaa dawlad jeclaanaya?

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Markale Itoobiya Salka Dhulka Ugu Dhuftay Maxaa Socda?
Next articleDagaal Sadex Jeer laisku laabtay oo Ka Socda Gobalka Galgaduud Galmudug