Home Wararka Maanta Ururka ONLF oo Go’aan ka Nixiyay Abiya Axmed Ku Dhawaaqay

Ururka ONLF oo Go’aan ka Nixiyay Abiya Axmed Ku Dhawaaqay

0

Ururka ONLF oo  soo saaray warsaxaafadeed xasaasi ah ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo uga sii daraya xaaladda cakiran ee dalka Itoobiya oo haatan ay ka jiraan xaalado siyaasadeed iyo qalalaase amni oo gudaha dalkaasi ah.

Ururka ayaa shaaca ka qaaday in uusan ka qayb-gali doonin wada xaajoodka heer qaran ee Itoobiya, wuxuuna sababta ku sheegay in si khaldan loo maamulay wada-xaajoodkaasi.

ONLF ayaa si gaar ah ugu eedeysay xisbiga Barwaaqo ee talada haya inuu ku xadgudbay heshiiskii horay loola galay xisbiyada siyaasadda ee gudaha dalka Itoobiya, sidaasina ay ku qaadaceen ka qayb-galka wada xaajoodka heer qaran ee waddanka Itoobiya.

Ururka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in wada xaajoodkan uu noqonayo mid hal dhinac ah oo aan loo dhameyn, sidaas darteedna aan keeni karin wax rajo ah oo sidaa u weyn.

“ONLF waxaa ka go’an in si dhab ah loo wada hadlo, wada hadalkuna uu noqdo mid loo dhan yahay dhammaan Axsaabta siyaasadda iyo bulshada qaybaheeda kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa shirweynahan ka maqan siyaasiyiin muhiim ah oo ka socda deegaannada Axmaarada, Oromada iyo Tigray, taas oo sii murjineyso xaaladda cakiran ee Itoobiya.

Warkan kasoo baxay ONLF ayaa kusoo aadayo xilli maalmihii lasoo dhaafay magaalada Jigjiga ay ka socdeen kulamo looga arrinsanayo  ajandayaashii lagaga qaybgali lahaa wada xaajoodka heer qaran ee dalka Itoobiya, kaas oo ay ka qaybgalayeen mas’uuliyiin ka socota heer faderal iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jigjiga.

Al-shabaab oo saaka Weerar Qaraxyo ku billowday ku qaaday deegaanka Wargaadhi ee G/Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka War-gaadhi, oo ku

Rag ka tirsan Shabaab oo dad ka afduubtay Mandheere

Wararka naga soo gaaraya gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan oo loo maleynayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ay galinkii dambe ee shalay afduub u geysteen

34 Sano kadib Dowlada Somaliya oo dib u soo Celisay Adeega Boostada Caalamiga

Soomaaliya ayaa 34 sano ka dib markii ugu horeysay dalka ka hirgelisay Maamulka tooska ah ee Boostada caalamiga ah.. Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐀𝐗𝐀𝐌𝐄𝐃 𝐀𝐀𝐃𝐀𝐍

Maxaa Qalad ah oo ka jira Heshiiska Turkiga iyo Somaliya ee Dhanka Shidaalka

Heshiiska taariikhiga ah ee ay Soomaaliya iyo Turkiga kala saxiixdeen ee sahminta iyo soo saarista shidaalka iyo gaaska ayaa si weyn u soo jiitay indhaha bulshada, balse sidoo kale wuxuu

Maamulka Puntland oo Dowlada Somaliya uga digtay in la Siyaasadeeyo Gargaarka

Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta madiibooyinka dawladda Puntland waxay ka digaysaa siyaasadaynta arimaha Gargaarka taas oo sababi karta in lagu takrifasho oo la baalmaro shuruucda caalamiga ah. HOOS KA DAALACO QORAALKA
Ad
Previous articleMuuqaal Duubihii Alshabaab ee Alkataaib oo Gacanta Lagu Soo dhigay
Next articleDeni oo U yeeray Xilibaanada Labada Gole ee Puntland laga Soo Doortay