Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Culumo loo laayay Aagana Qabiil Gobalka….

Culumo loo laayay Aagana Qabiil Gobalka….

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaadk hubeysan ka gaysteen duleedka degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday culimo akhrineysay Qur’aan oo la laayay.

Ma shaqadan oo uga sii dareysay colaadda ka taagan halkaasi ayaa si gaar ah uga dhacday deegaanka Labagaras oo hoostaga magaalo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Maleeshiyaad beeleedka weerarka qaaday ayaa beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad akhrinayay aqrinayay Qur’aan oo ku sugnaa halkaasi, waxayna u gaysteen dil iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa dhacdadan argagaxa leh ku dhintay ugu yaraan 4 qof, halka lagu dhaawacay 8 kale, waxaana baxsaday raggii ka dambeeyay falkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka weerarkan gaystay ay u aarayeen dad horay looga dilay, waxaana arrintan uga sii dareysa xiisadda ka taagan aagga Cadale.

Labadaan beeleed ee dilalka isku gaysanayo ayaa waxaa horay gogol nabadeed loogu dhigay deegaanka Burka Dirimeed, halkaas oo lagu gaaray heshiis nabadeed oo uu goobjooga ahaa madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hase’ahaateen xaaladda ayaa u muuqata inay hadda faraha kasii baxday, isla markaana uu burburay heshiiskii, maadaama dilal iyo dagaallo ay dib uga dhaceen duleedka Cadale.

Dhowaan ayay ahayd markii isla aaggan uu uga dhacay dagaal beeleed lagu dilay saddex qof, laguna dhaawacay saddex kale, kaas oo saameyn ku yeeshay deegaanka.

Ad
Previous articleWararkii Ugu danbeeyey Weerarkii lagu Qaaday Guriga Natayahuu