Home Wararka Somaliya Galmudug Galmudug oo Maantay Laysay Horjoogayaal Badan oo Alshabaab ah

Galmudug oo Maantay Laysay Horjoogayaal Badan oo Alshabaab ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay howlgal khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab oo maanta ka dhacay deegaanka Qaycad ee koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Howlgalka oo ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa waxaa lagu dilay horjoogayaal iyo xubno badan oo ka tirsan kooxda, sida lagu sheegay qoraalka.

Horjoogayaasha la dilay waxaa kamid ah Maxamed Bashiir Muuse oo Al-Shabaab ay ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobolka Mudug iyo Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka gobolka Mudug.

Sidoo kale waxaa la dhaawacay illaa 40 kale oo la geeyay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka:-

MUQDISHO 19, October 2024: Ilaa 30 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay tiro intaasi ka badana waa ku dhaawacmeen howlgal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka fuliyeen deegaanka Qaycad ee Koofurta Gobalka Mudug.

Howlgalkaan oo ahaa mid aad loo qorsheeyay ayaa lagu bartilmaameedsaday Horjoogayaal dhiigyo-cab ah iyo maleeshiyaad badan oo ay wateen, kadib markii la helay xogtooda, waxaana ka mid ah horjoogayaasha nafta la dhaafiyay:-

1-Horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo Khawaarijtu ugu yeeri jireen Mukhtaar, kaasi oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha, una qaabilsanaa koofurta gobalka Mudug.

2-Horjooge Maadey Foodey oo isna ahaa horjoogaha maleeshiyaad Khawaarijtu u diyaarinayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka Gobalka Mudug.

In ka badan 40 Khawaarij ah oo dhaawacyo ay ka soo gaareen howlgalkaan aadka loo qorsheeyay ayaa la geeyey deegaanno ku dhow-dhow magaalada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, kuwaas oo ay hadda u la’yihiin meel ay kula tacaalaan xaaladooda.

Howlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidanka Xogga Dalka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ay ka sameeyeen Koofurta Gobalka Mudug ayaa gabi ahaanba waxaa lagu bur-buriyay Godad iyo Fariisimo muddo dheer Khawaarijtu isku qarinayeen

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah:Diyaarad nooca Qaraxyada Xanbaara ah oo lagu Dhuftay Guriga Natayaahu
Next articleWararkii Ugu danbeeyey Weerarkii lagu Qaaday Guriga Natayahuu