Home Wararka Maanta Kooxda Xamaas oo Ka War kasoo Saartay Geerida Hogoomiyahoodii Cusbaa

Kooxda Xamaas oo Ka War kasoo Saartay Geerida Hogoomiyahoodii Cusbaa

0

Kooxda Xamaas ayaa goordhow xaqiijisay geerida Yaxye Sinwar, oo isagu dhawaan beddelay hoggaamiyihii hore ee Ismaaciil Haniyah.

Dilka hoggaamiye Sinwar ayaa waxaa horey u sheegtay Israel oo ayadu si weyn u daba joogtay, kuna tilmaamtay “maskaxdii ka dambeysay xasuuqa iyo xadgudubyada” 7-dii October.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Israel Katz oo horey u shaaciyay geerida hoggaamiyihii Xamaas Yaxye Sinwar ayaa ka dhacay Marinka Gaza, isagoo ku tilmaamay guul militari oo muhiim u ah Israel.

“Tan waa guul militari oo muhiim u ah Israa’iil iyo guul dunida xorta ah usoo hoyatay oo ka dhan ah xagjirnimada Islaamka ee Iiraan ay hoggaamiso,” ayuu yiri Katz.

Waxa uu intaas kusii daray “Cirribtirka Sinwar waxay fureysaa suurtogalnimada sii deynta degdegga ah ee la heystayaasha waxayna waddada u xaareysaa isbeddel horseedi doonaa xaqiiqda cusub ee Qasa, oo ka maran maamulka Xamaas iyo Iiraan.”

Raadiye u ku hadla afka ciidamada Israel ayaa ku warramay in dhacdadan ay dhacday mar howlgal uu ka socday magaalada koofurta Qasa ku taalla ee Rafax.

Yaxya Sinwar waa bartilmaameedka ugu horreeya ee Israel ee Qasa, waxaana lagu eedeeyaa inuu mas’uul ka ahaa inuu ka dambeeyay weerarkii 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore gudaha Israa’iil lagu qaaday, kaasoo ay ku dhinteen ilaa 1200 oo qof.

Ad
Previous articleUrurka Xisbullah oo Jimcihii wacad ku maray in uu kordhin doono dagaalka ay kula jirto Israa’iil.
Next articleWar Deg Deg ah:Diyaarad nooca Qaraxyada Xanbaara ah oo lagu Dhuftay Guriga Natayaahu