Home Wararka Maanta Waa kumaa abwaan Sugaal Cabdulle oo Shalay Qaraxa Ismiidaaminta Ahaa Lagu Dilay?

Waa kumaa abwaan Sugaal Cabdulle oo Shalay Qaraxa Ismiidaaminta Ahaa Lagu Dilay?

0

Ugu yaraan toddoba qof oo ay ku jiraan askar iyo dad rayid ah ayaa ku dhintay, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qof isa soo miidaamiyay uu isku qarxiyay maqaaxi shaaha laga cabo oo ku dhow dugsiga tababarka booliska ee xaafadda Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho gelinkii dambe ee maanta, sida ay sheegeen booliiska.

Goobjoogayaal ku sugan caasimadda Muqdisho, ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay BBC in qofka is qarxiyay uu beegsaday goob shaaha laga cabo oo mashquul badan oo ku dhow dugsiga sare ee booliiska Muqdisho.

Dadka ku dhintay qaraxaasi waxaa ka mid ah Abwaan Sugaal Cabdille oo muddo dheer a mid ahaa bahda sugaanta.

Abwaanka ayaa muddo aad u dheer ka tirsanaa kooxda booliiska ee Heegan.

Waxaa uu inta badan sameyn jiray miraha heesaha isaga oo sidoo kle gabyi jiray kana qayb qaadan jiray jillinka Ruwaayadaha.

Abwaan Sugaal Cabdille ayaa oo mar wareysi siinayay wariyaha inta badan wax ka qora fanka Cumar Seerbiya ayaa waxaa uu sheegay in muddo aad u dheer uu fanka ku jiray.

Waxaa uu fanka kaga soo biiray magaalada Galkacyo xilli uu fanka Soomaalida marayay meeshiisii ugu fiicnayd.

“Waxaan ku soo barbaaray mudug, taariikhdan dhashay garan maayo oo mii ayaan la joogay, halkaas ayaan ku soo brbaaray ciyaaro ayaan tumi jiray oo dhaanto ayaa tumi jiray,” ayuu yiri abwaan Ssugaal.

Waxaa uu sheegay in markii uu fanka ku soo biirayay uu ku sugnaa magaalada Galkacyo oo uu gabiyada tirin jiray ka dib-na looga yeeray Muqdisho kuna biiray kooxdii booliiska ee Heegan.

“Aniga waxaa la ii soo qoray aniga oo Galkacyo jooga oo gabya ayaa Heegan la ii soo qoray booliiska ayaa i soo qortay ka dib-na Heegan ayan ka mid nooqday” ayuu intaa ku daray.

Allaha u naxariistee abwaan Sugaal ayaa sida uu sheegay waxa uu ruwaayaddii ugu horreysay uu uu soo saaray sanadkii 1971-gii ilaa 1972-dii.

“Aniga markan imi isla 1971 ilaa 1972 durba ruwaayad ayaa soo saaray durbo,” ayuu yiri Abwaan Sugaal.

Abwaan Sugaal Cabdille waxaa uu inta badan sameyn jiray miraha heesaha iyo sidoo ale jilliinka oo uu kaalin ku lahaa, balse waxaa jira sidoo kale heeso uu qaaday .

Waxaa ka mid ah heesaha marka aad maqasho magaca Sugaal markiiba kugu soo dhacay heesta (Leyla, labadii walaalo ah ninkii lacag leh wayn ) oo uu abwaanka ku luuqeeyo.

Mar wax laga waydiiyay heestaasi ayaaa waxaa uu xusay in ay ka mid ahayd album dhan, balse heesta Leyla ay ka soo dhex-baxday oo ay caan noqotay.

“Heestaasi habeenkii aan duubayay way ila sahlanayd wax iska sahlan bay ahayd laakiin ka bacdi ayay saas u soo caan-baxday, iyada waxay ahayd cajal dhan oo ana duubay hal habeen laakiin iyada ayaa qaadatay,” ayuu yiri.

Ruwaayadaha kale ee uu abwaan Sugaal curiyay islamarkaana jilliinkeedu uu qeyb qayn ka qaatay waxaa ka mid ah ruwaayaddii (Magaala-joog Xumo).

Maxaan ka naqaannaa shakhsiyaddii abwaan Sugaal?

Abwaan Sugaal Cabdille ayaa intii ay dagaallada ay socdeen sida la sheegay aan waligii dalka ka bixin.

Waxaa uu sanooyiinkii u dambeeyay u sii waday howshii fanka isaga oo kooxda booliiska ee Heegan u ahaan macallin iyo abwaan marjac u ah howlaha fanka ee ay qabtaan.

Abwaan Cismaan Cabdullaahi Guure oo imika ah maareeyaha tiyaatarka qaranka ee magaalada Muqdisho oo BBC la hadlay ayaa sheegay in abwaan Sugaal muddooyinkii u dambeeyay uu suugaantiisu diiradda ku saaray wadaniyadda iyo in uu dadka ka wacyigaliyo qabyaaladda.

“Waxyaabaha lagu yaqaan waa wacyigalinta bulshada wadaniyada uu dadka kala hadli jiray oo suugaantiisu u badan tahay nin jilaa ah-na waa ahaa, heesaa waa ahaa, abwaan wuu ahaa, sargaal booliis ah waa ahaa” ayuu yiri abwaan Guure

Abwaan Guure ayaa dhanka kale sheegay in Abwaan sugaal uu ahaa shaqsi aad u wanaagsan oo dadka la sheekeystay islamarkana farxad badan.

“Shakhsiyadiisa haddii aan kuu soo koobo qof lala sheekeysto oo lala fariisto oo la barto oo ka fiican waa yar-yahay sababtoo ah wuxuu ahaa nin in-yar haddii aad al sheekeysato aad yaabeyso cajiib sida uu u fikirayo siduu kaaga farxinayo” ayuu intaa ku daray

Ad
Previous articleYaxya Sinwar: Kumuu ahaa cirroolaha colaad u joogga ahaa ee haatan ay Israa’iil xaqiijisay inay dishay?
Next articleMuxuu Mareykanka ka yiri dilka Yaxya Sinwar?