Home Wararka Maanta Maamulka Puntland oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya

Maamulka Puntland oo eedeyn culus u jeedisay DF Soomaaliya

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Puntland, Ilyaas Lugatoor oo Wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Garoowe ayaa eedeyn culus u jeediyay dowladda federaalka oo ay haatan kala dhexeyso xiisad siyaasadeed oo xooggan.

Ilyaas Lugatoor ayaa dowladda dhexe ku eedeeyay inay dhaqaale ku bixineyso qalalaase iyo deganaasho la’aan uu sheegay inay ka abuureyso deegaanada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa soo hadal qaaday xiisadda ka taagan gobolka Sanaag, wuxuuna tilmaamay inay ka war hayaan inay ku lug leeyihiin shaqsiyaad ka tirsan dowladda federaalka oo uu ku eedeeyay inay sii hurinayaan colaad ka dhacda halkaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hay’adaha amniga Puntland ay u fasaxan u yihiin inay tallaabo adag ka qaadaan cid kasta oo ka shaqeynaysa dhibaato ka dhacda deegaanka.

“Waad arkayseen nin waalanoo lasoo gamayoo Badhan iyo Sanaag baryahaan marmarayay. Cid walba oo amniga ka shaqeysa waxaan faraynaa in aan madaxda lalasoo xiriirin ee tallabo laga qaado,” ayuu yiri Ilyaas Lugatoor.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in qorshahan uu qayb ka yahay abaabul ay hadda waddo dowladda dhexe, kaas oo ay ku dooneyso inay ku beegsato maamullada dalka.

Ad
Previous articleMadaxeyne Laftagareen oo Isaga Tagay Shirkii Madasha Wadatashi Qaran
Next articleWar Deg Deg ah:Qarax Culus oo Dad Badan Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Muqdisho