Home Wararka Maanta Wafdi Culus oo Kasocda Masar oo Kusoo Wajahan Muqdisho

Wafdi Culus oo Kasocda Masar oo Kusoo Wajahan Muqdisho

0

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada dalka kusoo wajahan wafdi culus oo ka socda dowladda Masar, sida uu shaaciyay wasiirka qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wasiir Beene-Beene ayaa sheegay in ujeedka wafdigan uu yahay in ay Soomaaliya ka hirgeliyaan mashaariic waaweyn, iyagoo maalgashiyo ku samaysan doona dekedaha dalka.

Waxa uu muujiyay sida ay Soomaaliya xiiso ugu qabto maal-gashadayaasha gobolka iyo kuwa caalamiga ah, taasi oo uu sheegay in loo aqoonsan yahay fursad muhiim ah.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay in booqashada wafdiga Masar ay tahay tallaabo muhiim ah oo lagu sahaminayo fursadaha maalgashi ee dalka, islamarkaana ay ka dhigan tahay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar.

Booqashada wafdigan ayaa imanaya, xilli ay Masar bilowday howl-galkeeda milateri ee Soomaaliya kahor inta aan la gaarin bisha December 31-da oo ku beegan marka ay ciidamada Itoobiya ka baxayaan Soomaaliya.

Qaahira waxa ay sidoo kale tababareysaa oo ay taageeraysaa ciidamada ammaanka Soomaaliya ee dagaalka kula jira maleeshiyada Al-Shabaab.

Masar iyo Soomaaliya, oo xubno ka wada ah ururka Jaamacadda Carabta ee fadhigiisu yahay magaalada Qaahira, ayaa bishii August kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca milateriga ah. Masar ayaa tan iyo markaas u soo dirtay Muqdisho hub, la-taliyayaal ciidan, tababarayaal iyo kumaandooska la-dagaalanka argagixisada.

Ad
Previous articleDowlada oo War Cusub Kasoo Saartay Shirkii Golaha Wadatashi Qaran